Ciidamada dowladda Fedaraalka oo si buuxda ula wareegay magaalada Baladxaawo

4
Xaalada magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta degan kadib dagaalo culus oo halkaasi ka socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Deganaashaha maanta laga dareemayo gudaha magaaladaas ayaa salka ku haya, kadib markii ciidamada dowladda oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay si buuxdo xalay fiidkii ula wareegeen gacan ku heynta degmada Baladxaawo.

La wareegista ciidanka dowladda ee degmada Baladxaawo ayaa la tilmaamaya iney ku timid qorshe waan waan ah oo lala galay ciidamadii taabacsanaa Jubbaland, taasoo horseeday in lagu guuleysto joojinta dagaalka labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaas.

Ciidamada dowladda ayaa maanta ku sugan xarumaha istiraatiijiga oo ay ka mid yihiin xarunta degmada, saldhiga Booliiska, iyo xarunta socdaalka (Immigration), iyadoo dhamaan xarumahaas horay gacanta ugu hayeen ciidanka Jubbaland.

Wararku waxay sidoo kale ay sheegayaan in ciidamadii Jubbaland ee fariisimahaasi baneeyay iney u ruqaansadeen dhanka xadka Kenya, iyagoo aan wax iska caabin ah sameynin.

Waxaa sidoo kale saakay dib hawada ugu soo laabtay adeegyada Isgaarsiinta iyo korontaada magaalada, waxaana maanta xaafadaha qaar ee magaaladaasi durba dib uga bilaawday in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahayd oo si tartiib tarbiib ah u soo laabanaya.