Wararkii ugu dambeeyay xaalada degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo

13

Xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn ayaa saakay laga soo warinaya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamayeen ciidamo kala taabacsan dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland.

Iyadoo daganashadaan la dareenayo ayaa hadana waxaa jirto cabsi aad u aad u xoogan oo laga qabo in markale uu dib u qarxi karo dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Ciidanka dowladda ee uu hogaaminaayo Cabdirashiid Janan ayaa ku sugan xero Uk oo ku taala duuleedka Bari ee magaalada Baladxaawo, halka ciidamada Jubbaland ay ku sugan gudaha magaaladaas.

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lasoo sheegaya iney wajahayaan dadka ku nool gudaha magaalada Baladxaawo,  waxaana saacadahii lasoo dhaafay halkaasi si xoogan uga socday barakaca ay sameynayaan dadka ku harsana gudaha magaalada, kuwaas oo u barakacaya duleedka Baladxaawo iyo dhanka xuduuda dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Mandheera si ay uga badbaadaan dagaalka culus ee ka dhex taagan Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa horay midba midka kale ku eedeeyay inuu hurinayo dagaalka, taasoo sii adkaynaysa xal u helida colaadda ka jirta Baladxaawo oo kusii faafeysa gobolka Gedo.