Magaalada Doha ayaa martigelisay shirkii heer wasiir ee Kooxda Xiriirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada caalamiga ah ee lagu dhisayo saldhigyada amniga, horumarka iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Suldaan Bin Saad Al-Muraikhi, oo hadal ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in qabsoomidda shirka ee Doha ay muujinayso ballanqaadka wadajirka ah ee taageerada Soomaaliya iyo shacabka walaalaha la ah, iyagoo ku socda waddada nabadda iyo horumarka.
Al-Muraikhi ayaa xusay in shirka uu imaanayo xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado isbiirsaday oo khatar gelinaya amnigeeda, xasilloonideeda, madax-bannaanideeda iyo koboca dhaqaalaheeda, taasoo mas’uuliyad laba jibaaran saareysa beesha caalamka si ay u mideeyaan dadaalladooda taageeraya waddada qaran ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay mabda’ asaasi ah oo aan laga tanaasuli karin, isla markaana noqonaya xudunta ay ku shaqeynayaan dhammaan dadaallada caalamiga ah.
Waxa uu ku baaqay in la dardargeliyo dib-u-heshiisiin qaran oo dhammaystiran, ku dhisan wadahadal furan oo ay ka qeyb yihiin dhammaan daneeyeyaasha gudaha, si loo yareeyo kala-qaybsanaanta loona dhiso hay’adaha dowliga ah oo ku saleysan kalsooni iyo iskaashi.
Al-Muraikhi ayaa sheegay in isbeddellada siyaasadeed ay yihiin laf-dhabarta dhismaha dowladnimo iyo xasilloonida Soomaaliya – taasoo ay ka mid yihiin diyaarinta doorashooyin qaran, dhameystirka dastuurka, iyo dhisidda hay’ado dimuqraadi ah oo hufan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in geeddi-socodkaasi uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay qeyb ka yihiin dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, qeybaha bulshada, haweenka, dhalinyarada iyo ururrada rayidka, si loo xaqiijiyo wakiilnimo ballaaran iyo xalka waara ee ku saleysan is-afgarad qaran.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dadaallada caalamiga ah ay tahay in ay xoojiyaan, balse aysan beddelin, waddooyinka ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanideeda iyo go’aan-qaadkeeda madax-bannaan.
Wuxuu caddeeyay in dowladda Qatar ay sii wadi doonto bixinta taageero bini’aadanimo, mid horumarin iyo mid gargaareed, si toos ah ama iyada oo la kaashaneysa hay’adaha QM iyo ururrada caalamiga ah, si loo yareeyo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed.