War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, gaar ahaan saraakiisha iyo ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku naf waayey dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Puntland ayaa sidoo kale walaac weyn ka muujisay dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee Al-Shabaab, oo isku dayeysa inay dib u qabsato deegaanadii horay looga xoreeyey iyo kuwa cusub oo muhiim ah.
Waxay sheegtay in loo baahan yahay iskaashi dhab ah oo u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si loo helo qorshe mideysan oo lagu wajaho halista Al-Shabaab, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu sifeynayo dalka.
Puntland waxay ugu dambayn ugu baaqday beesha caalamka inay taageero muuqata siiso dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida Soomaaliya.