Kooxda RSF ee dalka Suudaan oo ku dhawaaqday dowlad kale oo ka madax-bannaan Khartuum

4
Koox siyaasadeed oo uu hoggaaminayo ciidanka milatariga ah ee RSF (Rapid Support Forces) ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqday inay dhiseen dowlad kale oo kasoo horjeeda maamulka milatariga ee fadhigiisu yahay magaalada Khartuum, iyagoo sheegtay in dowladdan cusub ay horseedi doonto mustaqbal cusub oo lagu dhisayo dal federaal cilmaani ah oo dimoqraadi ah.

Kooxdan, oo isku magacowday Golaha Hoggaanka ee Isbaheysiga Aasaaska Suudaan (TASIS), waxay sheegeen in hoggaamiyaha RSF, Moxamed Xamdan Dagalo “Hemedti”, uu noqonayo guddoomiyaha golaha madaxtooyada cusub oo ka kooban 15 xubnood, oo ay ku jiraan guddoomiyeyaasha gobollada.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ay soo saareen TASIS, Maxamed Xasan Cismaan al-Ta’ishi ayaa noqon doona ra’iisul wasaaraha dowladdan cusub.

“Anagoo ku faraxsan guushan taariikhiga ah, waxaan salaan iyo hambalyo u diraynaa shacabka Suudaan ee muddada dheer u dulqaatay gubashada dagaallada ba’an,” ayaa lagu yidhi bayaanka TASIS.

“Waxaan markale caddeynaynaa sida ay nooga go’natahay in aanu dhisno dal mideysan oo cusub, oo ku dhisan sinnaan, xorriyad, cadaalad, iyo nidaam federaal ah oo aan lagu qasbin, isla markaana aan ku salaysnayn diin gaar ah.”

Dowladdan cusub waxay halis u tahay inay sii kala qaybisayso dalka, maadaama dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada milatariga Suudaan (SAF) uu wali socdo, iyadoo mid kasta isku dayayo inuu gaar u yeesho sharciyadda dalka.

Maalmo ka hor, ciidamada dowladda ayaa sheegay inay gabi ahaanba ka saareen RSF magaalada Khartuum.

RSF wali waxay gacanta ku haysaa dhul ballaadhan, gaar ahaan gobolka galbeed ee Darfur, halkaasoo xaaladda bani’aadamnimo ay aad u xumaatay, iyadoo RSF ay go’doomisay magaalada El-Fasher, taasoo sababtay gaajo baahsan iyo cabsi xooggan.

Ururada xuquuqda aadamaha waxay ku eedeeyeen labada dhinac – RSF iyo SAF – inay geysteen xadgudubyo daran oo ka dhan ah dadka rayidka ah. Amnesty International ayaa horey u sheegtay in RSF ay adeegsato kufsi iyo xadgudubyo galmo si ay u dulayso dadka oo ay ula wareegto deegaanno iyo inay ku cabudhiso bulshada.

Sannadkan, Mareykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Hemedti, iyadoo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dambiyo culus oo ay kamid yihiin dilal sharci-darro ah iyo in dadka laga hor istaagay gargaarka bani’aadamnimada.