Jubbaland oo ka hadashay dagaaladii ka dhacay magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow

8

Warsaxafadeed kasoo maamulka Jubaland ayaa si adag loogu eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo dagaalada ka dhacay saacadahii lasoo dhaafay magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa ugu horeyn sheegtay in ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee ku taala duleedka Beledxaawo ay dhowr jeer weeraro khasaare geystay ku qaadeen gudaha magaalada Baladxaawo, islamarkaana weeraradaasi ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed.

“Muddo ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaas, iyadoo shakhsiga hoggaaminaya damacan gurracan oo aan ka tirsanayn CXD, diyaarad dagaal uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ku geeyay xerada UK xili inta badan garoomada diyaaradaha gobolka ay cunoqabateyn saaran tahay oo loo diiday dadka shacabka ah inay ka dhoofaan iyadoo aalad dagaal loo adeegsanayo awoodda maamulka hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Waxaa sidoo kale Jubbaland ay ku sheegtay warsaxaafadeedka in ciidamo amaro ka hela madaxtooyada Soomaaliya ay Xalay weerar ku qaadeen xarumaha ciidamada Jubbaland ee magaalada Doolow, taasina ay tahay mid kale oo sii hurineysa colaadaha ka taagan gobolka Gedo.

Ugu dambeyntii Jubaland ayaa qoraalkeeda ku xustay iney si weyn uga xuntahay weerarkii Shalay kooxda Al-shabaab kula wareegtay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kasoo ay ku tilmaamtay inuu yahay mid muujinayo halista siyaasadeed ee ka dhalan karta hab dhaqanka dowladda Federaalka.