Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland si ay uga hesho marin badeed iyo saldhig ciidan.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadaallo ay Turkigu dhex-dhexaadin ka galeen ay horseedeen in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana labada dal ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimo badan oo masiiri ah, maaddaama ay yihiin daris ka wada tirsan Midowga Afrika.
Wasiiru dowlaha wuxuu sheegay in heshiiska cusub uu dhigayo in Itoobiya si sharci ah uga faa’iidaysan karto dekedaha Soomaaliya ujeeddo ganacsi awgeed, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee badeecad-dhaafka iyo badda.
Xilligan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan gaaray dalka Itoobiya si uu ugu biiro hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka ka qeybgalaya Shirka Dib-u-eegista Nidaamka Cuntada ee Qaramada Midoobay (UNFSS+4).
Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin khilaaf dhab ah oo ka taagan doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadka 2026, balse ay jirto dood siyaasadeed oo caadi ah oo ku saabsan habka hirgelinta nidaamka cusub ee doorasho toos ah.
Wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u taageersan yihiin nidaamkaas, hase yeeshee qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ka cabsanayaan in ay waayaan faa’iidooyin ay hore u haysteen.