Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka soconaya degmada Baladxaawo

14

Wararka ka imaanaya  magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu markale  ka bilowday xaafado kamid magaaladaasi.

Ciidamo kala taabacsan Jubbaland iyo dowladda Federalka ayaa ku dagaalamaya gudaha magaalada,waxaana dagaalka uu ka socdaa nawaaxiga Xerada Ciidamada dowladda Federalka ee UK oo ku taala Xaafada Waaberi ee Beled Xaawo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa jirto, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan karin,Shacabkii deganaa degmada Beledxaawo  ayaa isaga Qaxay.

HALKAN KA DHAGEYSO WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALKA BALADXAAWO