Puntland oo sheegtay in xarunta Turkeysom iyo ganacsato Soomaaliyeed ay sheegteen hubka saaran markabka Sea World

4

Puntland ayaa sheegtay in xarunta tababarada ciidamada ee Turkeysom iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho ay sheegteen mulkiyadda shixnadda hubka ah ee saaran markabka lagu magacaabo MV Sea World, oo dhawaan lagu qabtay xeebaha maamulka Puntland.

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac  Turkeysom iyo ganacsatada ay codsadeen in markabka lasii daayo.

Puntland waxay  geesta kale si adag u cambaareysay war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaaso ku saabsanaa inay Puntland afduubatay markabka MV Sea World. Waxay warkaasi ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana ka turjumaya xog khaldan oo lagu suurad amniga xeebaha Puntland.

“Puntland masuuliyad buuxda ayey iska saartay ilaalinta markabka iyo hantida saaran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa sheegtay in baaritaanka markabka uu weli socdo, iyadoo xustay in hub kaliya uu saaran yahay markabka la qabtay, isla markaana waxay caddaysay in aysan jirin badeeco saaran markabka.

Ugu dambeyn, Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga inay si buuxda uga qeyb qaataan dhameystirka baaritaanka ku socda markabka, si loo caddeeyo cidda iska leh shixnadda hubka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa maantadii hore Puntland ku eedeysay afduub iyo xad-gudub lagula kacay sida ay sheegtay markabka SEA WORLD oo dhawaan laga qabtay xeebaha Puntland, kaasoo waday hub iyo gaadiid dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Markabkan uu u rarnaa  xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, sida ku cad heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladda Turkiga. Waxay sidoo kale Dowladdu sheegtay inay saarnayd alaabo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qabsashada markabkan uu yahay xad-gudub ka dhan ah dastuurka dalka, isla markaana dhaawac ku ah midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.