Obama iyo Trump oo hadallo kulul is dhaafsaday

4

Madaxweynaha hadda talada haya ee Maraykanka Donald Trump ayaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ku eedeeyay “khiyaano qaran”, isagoo la xidhiidhiyay eedeymaha sheegaya faragelin uu Ruushka ku sameeyay doorashooyinkii guud.

“Waxay isku dayeen inay doorashada xadaan,” ayuu Trump ka yidhi isaga oo ku sugan Aqalka Cad. Waxa uu intaasi raaciyay in Obama uu doonayay in uu waxyeelleeyo doorashadii 2016-kii ee uu kaga guuleystay Hillary Clinton.

Afhayeen u hadlay Obama ayaa ka jawaabay eedeymaha, isagoo ku tilmaamay weerarka Trump “isku day daciif ah oo lagu doonayo in dadka lagu jeediyo.”