owladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay afduubka markabka SEA WORLD oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, iyadoo markabkaasi watay alaab ciidan iyo mid ganacsi, dowladda oo sheegtay in afduubkaasi uu yahay ku xadgudub madax-bannaanida dalka iyo sharciga caalamiga ah ee badda.
Markabka oo hoos taga calanka Jasiiradaha Comoros ayaa watay qalab ciidan oo loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidamada TÜRKSOM ee caasimadda, sida ku cad heshiis iskaashi oo milatari oo dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale, markabku wuxuu waday alaabo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.
“Afduubka markabkan oo ay fuliyeen shaqsiyaad xiriir la leh maamulka Puntland waa ku xadgudub toos ah oo ka dhan ah Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Dowladda ayaa xustay qodobka 54 ee Dastuurka KMG, kaasoo si gaar ah u siiya Dowladda Federaalka awoodda ilaalinta difaaca qaranka, dhulka iyo badaha. Afduubka markabka waxaa lagu tilmaamay fal dambiyeed hoos yimaada xeerka ciqaabta Soomaaliya iyo Qaraarka Qaramada Midoobay ee Badaha 1982 (UNCLOS).
“Dowladda Federaalka kama aqbali doonto wax tallaabo ah oo khatar ku ah madax-bannaanida dalka iyo ammaanka biyaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay bayaanka, iyadoo digniin laga bixiyay in la qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka badda.
Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay go’aankeeda ah in la xukumo falalka burcad-badeednimada iyadoo u baaqday dhammaan dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland, inay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee dowladda federaalka, gaar ahaan arrimaha difaaca iyo maamulka biyaha.