Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay 31 dal oo ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan, iyagoo xusay khataro dhinaca amniga, siyaasadda, iyo bani’aadantinimo.
Digniintan oo lagu daabacay mareegta rasmiga ah ee dowladda UK ayaa lagu sheegay in xaaladaha dalka ay weli halis ku yihiin muwaadiniinta ajnabiga ah.
Sidoo kale, waxaa la saadaalinayaa in digniintan ay hoos u dhigi karto xiisaha maalgashadayaasha iyo dalxiisayaasha caalamiga ah ee danaynaya Soomaaliya, gaar ahaan maadaama dalka uu muddooyinkii u dambeeyay waday olole lagu horumarinayo sumcadda caalamiga ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin go’aanka UK, balse ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in tallaabadan ay dhaawac u geysan karto dadaallada diblomaasiyadeed iyo xiriirka tooska ah ee Soomaaliya la leedahay caalamka.