Puntland oo shaacisay xog cusub oo ku saabsan qabashadda MV Sea World

3

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamadeeda badda PMPF ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo MV Sea World ka dib markii lagu arkay isagoo si sharci-darro ah u taagnaa xeebaha degmada Bareeda laba maalmood oo xiriir ah, isaga oo aan wargelin sameyn ama codsi gargaar ah soo gudbin, taasoo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah ee badda.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in markabkan aanu haysan wax oggolaansho rasmi ah oo u fasaxaya inuu ku sugnaado biyaha Puntland. Tani waxay jebineysaa qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan xeerka Qaramada Midoobay ee Badda (UNCLOS 1982).

“Markabkani waxa uu si cad u jabiyay sharciga caalamiga ah ee mamnuucaya in markab ajnabi ah uu si sharci-darro ah ku galo biyaha badeed ee dowlad kale, gaar ahaan haddii uu xambaarsan yahay hub ama uu keeni karo halis amni,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in markabku uu ku sugnaa agagaarka aag dagaal oo ay Puntland kula jirto kooxda argagixisada ee Daacish (ISIS), taasoo xaaladda ka dhigtay mid aad u xasaasi ah.

Puntland ayaa ku adkeysatay inay leedahay awood sharciyeed oo ay ku baari karto maraakiibta soo gala biyaha ay maamusho, iyadoo adeegsanaysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS.

“Waxaan hadda bilownay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda iska leh markabka, ujeeddadiisa dhabta ah, iyo waxa uu sido,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubkaasi.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Puntland ay sare u qaaday feejignaanta amni ee xeebaha, xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah iyo falal sharci-darro ah oo ka dhacayey badda Soomaaliya.