Dagaalkaasi oo u dhaxeeyey Ciidamo kala taabacsan DF ee Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ayaa ka soo baxaya ,Wararkii ugu dambeeyey ee Degmada Baladxaawo ayaa sheegaya in Xaaladu hadda ay degan tahay,inkastoo ay jiraan Cabsi laga Qabo in Dagaal mar kale uu ka dhaco halkaasii,Goobahii lagu Dagaalamay ee Xarunta Maamulka iyo Immagarationka ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Jubaland.
Inta la og yahay 5 Ruux ayaa ku geeriyootey Dagaalkii maanta,halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay,waxaana ku jira dad shacab ah oo Rasaastu ay haleeshay,kuwaasi oo la geeyey Isbitaalada Magaalada,waxaana jiraa Qoysas tiro badan oo ka barakacay guryahooda una talaabay dhinaca Xaduuda Mandheera.
C,rashiid Janan oo dhowaan DF ee Soomaaliya u Magacawdey Taliyaha Sirdoonka Jubaland ee Gobolka Gedo oo maanta Diyaarad Helikobter ay keentay Baladxaawo ayaa iminka ku sugan Xerada UK ee Ciidamada Melitariga ee Baladxaawo.
HALKAN KA DHAGEYSIGA WAREYSIGA WARARKII UGU DAMBEEYEY EE BALADXAAWO