Dagaal culus oo ka socda Beledxaawo, ka dib tagistii Taliye Janan

3

Wararka laga helayo magaalada Baladxaawo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo magaaladaas, kadib markii diyaarado qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaas ka dejisay Cabdirashiid Janan, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu u dhaxeeyo ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii wafdi ka socday dowladda dhexe oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan lagu dajiyey gudaha magaalada, taasoo loo arkay mid kacsanaya deegaanka.

Wararka aya sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo saddex goobood oo ay ku jirto xarunta maamulka degmada,  xarunta socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Taliska degmada.

Khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Villa Somalia ayaa si weyn u sii xumaaday, iyadoo horey dagaallo uga dhaceen meelo ay ka mid yihiin Raaskaanbooni iyo Doolow.