Puntland oo Amar ku Bixisay in la Soo Celiyo Hubkii Markabka SEA WORLD

5

Puntland ayaa amar ku bixisay in dib loo celiyo hub fudud oo laga dejiyey markab laga leeyahay Comoros, kaasi oo lagu qabtay degmada Bareeda ee gobolka Raasi-Casayr.

Xeer-ilaalinta gobolka ayaa amar ku bixisay tallaabadaasi, iyadoo weli baadhitaanno iyo tiro-koob rasmi ah lagu wado markabka oo hadda ku xiran dekedda Boosaaso.

Wali lama xaqiijin cida rasmiga ah ee iska leh hubka culus ee saaran markabka. Si gaar ah waxaa loo eegayaa mowqifka Puntland, halka uu markabku ka yimid oo ah Turkiga, iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo la sheegay in hubka loo waday.

Puntland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto baadhitaanka, iyadoo lagu wado in si buuxda loo caddeeyo sharcinimada hubka iyo cidda loo waday