Askari Kenyan ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya

10

Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa la dilay mid kalena waa dhaawacmay kadib dagaal ay la galeen ciidamada Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA).

Warbixinta booliska Kenya oo helay wargeyska The Standard ayaa sheegaysa in shan askari oo ka hawlgalayay xadka Kenya la dhaawacay markii NISA si lama filaan ah u soo weerartay.

“Mid ka mid ah askarta ayaa si toos ah looga toogtay caloosha oo dhintay, mid kalena waxaa dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix intii uu socday weerarka ciidamada NISA ee Soomaaliya 14-kii Maarso 2025,” ayaa lagu yiri warbixinta booliska.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in hub kala duwan oo ay lahaayeen askarigii dhintay iyo keydka booliska qaranka ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya.

Askariga dhaawacmay waxaa si degdeg ah loogu qaaday isbitaalka Mandheera si loo daweeyo.

“Ciidamada NISA ayaa sidoo kale afduubay qori G3 ah oo sidday 60 xabbadood iyo qori AK-47 oo sidday 30 xabbadood,” ayaa lagu daray warbixinta.

Booliska Kenya ayaa ku tuhunsan in weerarkan uu ahaa mid aargoosi ah oo ka dambeeyay xiritaanka tuugo argagixiso oo horey loo qabtay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in ay afduubaan shaqaale Shiineys ah oo ku sugan Mandheera.

“Weerarka waxaa abaabulay walaalka mid ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay, kaas oo ah sarkaal ka tirsan NISA sida ay ku xaqiijiyeen hay’adaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixinta booliska Kenya.