Markabkan ayaa la sheegay inuu siday qalab ciidan, oo ay ku jireen hub iyo gaadiid dagaal, kuwaasoo la sheegay inay kusoo jeedeen dekedda Muqdisho, Balse shaki ayaa soo baxay kadib markii wasiirku uu diiday inuu caddeeyo cidda iska leh alaabtan milatari, taasoo keentay walaac iyo tuhun laga qabo in qalabkaasi aanay dowladda dhexe lahayn.
Kiiskaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland uu marayo marxalad adag, waxaana arrintan laga yaabaa inay sii murjiso wada shaqeynta dhinacyadaasi.
Inkasta oo mas’uuliyiinta dowladda aysan weli si cad uga hadlin arrintan, haddana dad badan ayaa dalbanaya in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo halka uu salka ku hayo shixnaddan ciidan iyo cidda ka dambeysay.