Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in la joogo waqtigii albaabada la isugu dhufan lahaa shirkaas.
newsinWasiir Caydiid ayaa ku adkaystay in deegaannada SSC ay ka mid yihiin Puntland, sidaas darteedna aysan Puntland aqbali doonin go’aan kasta oo kasoo baxa shirkaas.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si dadban ugu soo duushay gobolka Sool, iyada oo wata qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo midnimada iyo jiritaanka Puntland.
Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalku ay boorso ku wadato maamulka cusub ee laga dhisayo deegaannada Sool iyo Sanaag, taasoo uu sheegay in laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.
“Shirka hadda socda ma ahan kii ay isimadu go’aamiyeen bishii Febraayo 2023. Shirkaas Laascaanood ka socda wuxuu ka yimid abaabul laga soo maleegay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Wuxuu intaas ku daray in shirkaasi yahay mid loogu talagalay in la kala fogeeyo Dhulbahante iyo Harti, isagoo ku tilmaamay magaalada Laascaanood “god waraabe” oo ay saldhig ka dhig ka dhigteen cid kaste oo duullaan ku ah jiritaanka Puntland.