Maalinta beri ah ayaa ku beegan kulan muhiim ah oo dhexmaraya dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka, kaas oo qeyb ka ah wadahadallada looga gol leeyahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay geedi-socodka doorashada dalka.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo horey u fashilmeen kulamo dhowr ah oo labada dhinac yeesheen, kuwaas oo aan natiijo muuqata laga gaarin, marka laga reebo balamo hor leh oo aan la dhaqan gelin.
Wararka ayaa sheegaya in diyaar garow xooggan uu ka socdo hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo lagu falanqeynayo ajandayaasha shirka, gaar ahaan dooda ku aaddan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.
Dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan in shirkan uu noqon doono mid kala caddeynaya mowqifka labada dhinac, isla markaana go’aamin kara in la helo is-afgarad rasmi ah iyo in kale.