Ku dawaad 15 askari oo katirsan ciidanka Puntland ah oo geeriyooday dagaal ay Daacish kula galeen Calmiskaad

4

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa shalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay ku dhawaad 15 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ammi.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Togga Miiraale iyo Xabley, halkaas oo ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay kooxda Daacish ku lahaayeen halkaas. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dileen dagaalyahano ka tirsan Daacish, islamarkaana ay kooxdaasi isaga baxday labo fariisin ay ku sugnaayeen.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa, in qaar ka mid ah askarta Puntland ay u dhinteen biyo la tuhunsan yahay in la sumeeyay oo ay ugu tageeen goobihii laga qabsaday Daacish.

Wararkan lama xaqiijin karo si madax bannaan, balse ilo-wareedyo la hadlay HOL ayaa sidaas u sheegay.

Dagaalka ayaa imaanaya xilli kooxda Daacish ee wali ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ay bilaabeen weerarro cusub oo ay ku hayaan dadka reer miyiga ah.

Kooxdu waxay afduub iyo dhac u geysanayaan dadka xoolaha dhaqatada ah, iyagoo xoog uga qaadanaya xoolaha, halka kuwa ka hor yimaadna ay gowracaan ama kaxeystaan.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanka Unuun ee hoos taga degmada Qandala, halkaas oo dagaalamayaal ka tirsan Daacish ay afduubteen nin lagu magacaabo Axmed Ibraahim Aadan, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.

Lama xaqiijin wali inuu dhintay Axmed Ibraahim Aadan, balse qoyskiisa iyo dadka deegaanka ayaa weli baadi-goob ugu jira helitaanka ama xaqiijinta geeridiisa.