Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadleyso dhacdo naxdin leh oo ka dhacday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay dhacdadaas, iyadoo tacsi u dirtay ehellada dadka waxyeelladu soo gaartay, islamarkaana ay la xanuunsanayso shacabka ku dhaqan degmada Dhahar.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaceeda iyo tiiraanyadeeda ku aaddan dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee maanta ka dhacday degmada Dhahar. Waxaan tacsi u diraynaa dhammaan ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay saameysay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan nooca iyo sababta dhacdada, hase yeeshee wasaaraddu waxay xustay in Dowladda Federaalka ay ku howlan tahay xaqiijinta nabadda, wadajirka iyo xasilloonida guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay weli ka taagan yihiin kala aragti duwanaansho siyaasadeed iyo bulsho.
Wasaaraddu waxay ugu dambeyn ugu baaqday dhinacyada deegaanka in ay xakameeyaan xaaladda, kana fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara khilaaf, iyadoo Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal waara oo ku saleysan wada-hadal iyo is-qancin.