Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka tacsiyeyay geerida ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Jubbaland, Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii, bahda wasaaradda iyo guud ahaan shacabka Jubbaland, isagoo yiri”Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani. Marxuumku wuxuu ahaa masuul si mug leh ugu soo shaqeeyay dalkiisa, una adeegay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh. Waxa uu door muuqda ka qaatay arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.”