Galmudug oo kala hadashay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya sidii ay maalgashi ugu sameeyn lahaayeen degaanada Maamulkaasi

3

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay kawada hadleen in mashaariicda shirkadaha Turkida la geeyo degaanada Galmudug.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka horumarinta iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha Galmudug.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Dekedda Hobyo, wadooyinka muhiimka ah, iyo garoomada diyaaradaha ee ka jira deegaannada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay leedahay fursado badan oo maalgashi, islamarkaana ay jirto xaalad amni oo wanaagsan oo u saamaxaysa in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka shaqeeyaan gudaha Galmudug.

Dhankiisa, Safiirka Turkiga Alper Aktaş ayaa soo dhoweeyay qorshaha Galmudug ee ku aaddan horumarka, wuxuuna ballan qaaday in Turkigu diyaar u yahay inuu xoojiyo taageerada uu siiyo Galmudug, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Turkiga lagu dhiirrigeliyo inay maalgashi toos ah ku sameeyaan Galmudug, iyagoo ka faa’iidaysanaya fursadaha iyo nabadgelyada ka jirta gobolka.