Wada-hadalladii uu Ankara martigeliyay ee bilowday horraantii 2024, ayaa markii hore rajo dhaliyay, balse ugu dambayn istaagay iyadoo sababaha ugu waaweyn ay yihiin kalsooni darro qoto dheer, loollan siyaasadeed oo gobolka ah iyo ajandayaal iska hor imaanaya oo ay wataan labada dal.
Turkiga, oo xiriir dhow la leh Muqdisho iyo Addis Ababa, ayaa isu muujiyay dhexdhexaad dheellitiran, hase yeeshee wuxuu ku guuldareystay inuu xalliyo khilaafka ugu weyn ee ah damaca Itoobiya ee ah inay marin badeed ka hesho Somaliland.
Sannadkan 2025, calaamadaha diblomaasiyadeed ee ka imaanaya Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa muujinaya in wada-hadalladii si aamusnaan ah u burbureen.
Itoobiya waxay weli ku dheggan tahay fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland ee la xiriira marin badeed, halka Soomaaliya ay sii waddo olole diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay kaga hortagayso waxa ay ku tilmaamayso jebinta midnimada dhulkeeda.
Iyadoo aan la filayn wareeg cusub oo wada-hadal ah, dadaalkii Ankara ayaa si dhab ah u istaagay. Wuxuu noqday dhibbane uu liqay loollanka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, iyadoo su’aalaha la xiriira madax-bannaanida, aqoonsiga Somaliland iyo saameynta gobolka ay sii qoto dheeraanayaan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa 6-dii Luulyo mar kale ka hadlay arrimaha amniga Badda Cas, isagoo ballan qaaday inuu xoojin doono taageerada milatari ee dalkiisa si uu uga qeyb qaato badbaadada gobolka Geeska Afrika.
Hadalkan wuxuu ku dhawaaqay kaddib kulan uu magaalada xeebta leh ee El Alamein kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada hoggaamiye ayaa muujiyay is-afgarad istiraatiiji ah, iyagoo ka wada hadlay xasilloonida gobolka xilli ay xiisado ka jiraan Geeska Afrika.