Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Al-Siisi

4

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray dalka Masar, halkaas oo uu maanta kulan la qaadanayo dhiggiisa Masar, C/fitaax Al-Siisi, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Wararka ka soo baxaya kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsan doono Madaxweynaha Masar in si dhaqso ah loo soo dedejiyo keenista ciidamadooda loogu talagalay inay ka qeyb qaataan howlgalka AUSSOM, kaas oo bilowday Janaayo 2025, isla markaana wajahaya caqabado dhaqaale iyo farsamo.

Soomaaliya iyo Masar ayaa bishii Agoosto 2024 heshiis milateri ku gaarey, kaas oo u ogolaanaya Masar inay ciidamo aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika u soo dirto Soomaaliya. Heshiiskan ayaa sidoo kale suurta geliyey in Masar ay dhowr jeer hub iyo saanad ciidan ku gaarsiiso Muqdisho.

Ciidamada Masar ayaa la filayaa inay buuxiyaan booska ciidamada Burundi oo muddo 6 bilood ah dalka sii joogay, illaa ay ka yimaadaan ciidamada bedelaya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa isku dheelitiraya xiriirka labada dal ee ku loolamaya saameynta siyaasadeed iyo biyaha webiga Niil — Itoobiya iyo Masar. Inkastoo labada dal ay isku haya arrimaha Niil, Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay inuu heshiisyo milateri la galo labadaba, taas oo ka caawinaysa Soomaaliya xoojinta amniga iyo xasiloonida.

Howlgalka AUSSOM ayaa muhiim u ah sugidda nabadda Soomaaliya, iyadoo ciidamo ka socda dalal kala duwan ay ka qeyb qaadanayaan, Masar-na ay door weyn ka ciyaarayso xoojinta awoodda milateri ee dalka.