Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula yeelan doono dhiggiisa dalka Masar, Madaxweynaha Cabdel-Fataax Al-Sisi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga wada hadli doono xaaladda cakiran ee Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda ka taagan damaca Itoobiya ee ku aaddan xannibaadda biyaha Webiga Nile.
Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in Itoobiya ay dacwo ka keentay dalka Eritrea, iyadoo ku eedeysay inuu qorsheynayo weerar gudaha Itoobiya ah muddo saddex bilood gudahood ah, taasoo sii hurineysa xiisadda gobolka.
Waxaa sidoo kale la xasuusan yahay in xiisadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya hoos loo dhigay, kaddib wada-hadalladii ka dhacay magaalada Ankara iyo is-dhaafsiga booqashooyinka rasmi ah ee Madaxda labada dal.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay xafladda xarig-jarka biyo-xireenka cusub, taasoo haddii uu Madaxweyne Xasan ka qeyb galo laga dhaxli karo dareen siyaasadeed oo adag, maadaama Masar iyo Suudaan ay si cad uga soo horjeedaan mashruucaasi.
Dowladda Masar ayaa si weyn uga shaqeyneysa in Soomaaliya ay ka baaqato ka qeybgalka xafladdaasi, iyada oo u aragta mid qeyb ka ah muranka xooggan ee ka taagan biyaha Webiga Nile.