Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa kulan ay yeesheen ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed.
Goluhu wuxuu si gaar ah u ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso dardar-gelinta ajendayaasheeda qaran, wuxuuna ugu baaqay dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland, in ay qayb ka noqdaan hannaan wada-hadal siyaasadeed ah oo loo dhan yahay.
Golaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada, iyagoo helaya taageero joogto ah oo ka timaadda saaxiibada caalamka.
Midowga Afrika wuxuu shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah oo lagu daray Sanduuqa Kaydka Xaaladaha Degdegga ah, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee la heli karo $20 milyan sanadkan 2025, si loogu taageero hawlgalka AUSSOM.
Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo saaxiibada kale in ay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo loogu talagalay AUSSOM, si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wadi karo hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in Guddiga Midowga Afrika uu toddobaadyada soo socda u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin dhammeystiran oo la xiriirta saldhigyada cusub ee AUSSOM, saadka iyo baahiyaha duulimaadyada si ay u helaan taageero joogto ah oo ka timaadda xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Midowga Afrika ayaa markale caddeeyay in aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa laga gaaro guul buuxda oo ka dhan ah Al-Shabaab, lana sugo nabad iyo dowladnimo rasmi ah.