Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sii wada baaritaanka ay ku hayso Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo haatan ku sugan dalka Mareykanka.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, Abiib ayaa dalka ka baxay kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal culus oo ay ka mid yihiin sumcad-dilka hay’adaha dowliga ah iyo madaxda sare ee Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.
Khubaro sharciyeed oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in falalka uu ku kacay xildhibaanku ay noqon karaan dambi sharci ahaan lagu qaadi karo, taasoo sababtay inuu dalka kusoo laaban waayo, isagoo ka baqaya in la xiro ama lagu soo oogo dacwado la xiriira wararka been abuurka ah ee uu ku faafiyo baraha bulshada.
“Waa arrin layaab leh in nin xildhibaan ah oo ka tirsan Golaha Sharci-dejinta uu ku kaco falal sharci-darro ah, kaddibna uu sharciga ka baxsado,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, oo intaas ku daray in Abiib uusan marnaba u qalmin xilka xildhibaannimo, maadaama uu yahay shakhsi jebiyay sharciga.
“Waa wax laga xumaado in qof sheeganaya inuu fahamsan yahay sida dowladnimadu u shaqeyso uu haddana u maleeyo in xil wasiirnimo si toos ah isaga loogu magacaabayo mar hadii uu kursi baarlamaan buuxiyay,” ayuu yiri xildhibaan laga soo doorto Awdal. Wuxuu intaas ku daray in dhaqanka Abiib uu dhaawacay sumcadda gobolka Awdal, isla markaana uu abuuray nacayb. “Waxaa nagu yaqaaney dad aqoon iyo sharaf leh, wuxuu naga dhigay kuwo hunguri iyo jago raac ah.”