Dowladda Ruushka ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada maamulka Taliban ee Afgaanistaan tan iyo markii ay Talibaan la wareegtay xukunka dalkaas sanadkii 2021-kii.
Talaabada aqoonsiga ee Ruushka u muujiyay Taliban ayaa timid kadib markii Ruushka uu aqbalay safiir ka socda Xukuumada Afganistan oo dalkaasi u fadhin doona.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Ruushka Andrey Rudenko ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Xukuumadda Afgaanistan Gul Hassan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in talaabada aqoonsiga ee Xukuumadda Afgaanistaan uu yahay mid dhiiragalin weyn siin doona Afgaanistaan.
“Waxaan aaminsanahay in ficilka aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ay siin doonto dhiirigelin horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee wax soo saarka leh ee u dhexeeya dalalkeena dhinacyo kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Afgaanistaan Amir Khan Muttaqi ayaa dhankiisa go’aanka ku tilmaantay mid wanaagsan oo muhiim ah, islamarkaana ah go’aan geesinima leh oo tusaalana u noqon doono dalalka kale ee caalamka.
Ugu dambeyntii talaabadaan uu Ruushku ugu aqoonsaday dowladd rasmi ah Afgaanistaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo wali rasmi ah dowladnimo ugu aqoonsanen hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay, islamarkaana ay ugu yeeraan Masuuliyiinta dalkaas maamulka Taliban.