Faah faahino kasoo baxaya Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter oo ku burburtay Garoonka Muqdisho

5

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad Helicopter ah oo saakay ku dhacday garoonka magaalada Muqdisho.

Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta Qaranka la hadlayay ayaa u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter ka ee ku burburtay Garoonka ay lahaayeen howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Maareeyaha ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in diyaaradaan ay kasoo kacday deegaanka Baledogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayna ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay Maareeye Axmed Macallin Xasan in diyaaraddu ay saarnaayeen 8 qof kuwaas oo aan wali la xaqiijin karin xaaladdooda maadaama ay socdaan gurmadyo la xiriira daminta dabka ka kacay diyaaradda ku bur-burtay halkaas.

Durba waxa uu Mareeyaha xusay inay bilowdeen baaritaano ku aadan sababta keentay soo dhicista diyaaraddaan oo aan ilaa hadda cadeeyn waxa sababay inay soo dhacdo.

Maareeyaha ayaa sheegay in shaqada garoonka hadda sidii caadiga aheyd ay ku socoto, balse la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.