Bangiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos u dhacayo sanadkan 2025

5

Warbixin cusub oo uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa muujinaysa in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu hoos u dhaco sanadkan 2025, sababo la xiriira hubanti la’aanta deeqaha dibadda ee dalku aadka ugu tiirsan yahay.

Bankiga Adduunka ayaa kula taliyay Dowladda Soomaaliya inay laban laabto dadaallada lagu xoojinayo ururinta dakhliga gudaha si loo dhiso dowlad isku filan oo adkeysan karta, isamarkaasna hoos loo dhigo saamaynta ka dhalan karta ku tiirsanaanshaha gargaarka dibadda.

Sanadkii 2024, dhaqaalaha Soomaaliya ayaa gaaray kobac dhan 4.0%, sida lagu sheegay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2025, taasoo ah daabacaaddii tobnaad ee uu shalay shaaciyey Bangiga Adduunka.

Kobacan waxaa horseeday wax-soo-saarka beeraleyda oo soo hagaagay, xoojinta lacagaha xawilaadaha, iyo hoos u dhaca qiimaha badeecooyinka caalamiga ah.

“Waxaa lama huraan u ah Soomaaliya in ay sii waddo dhisidda hay’adaha dhaqaale ee adkaysan kara, si ay ula tacaasho duruufaha ka jira una horseedo kobac waara oo joogto ah,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Hoos u dhaca qiimaha alaabaha caalamiga ah ayaa yareeyay sicir-bararka sannadka 2024, iyadoo heerka sicir-bararka sanadlaha ah uu hoos uga dhacay 6%. Sida lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Baanka Adduunka.

Baanka Adduunka ayaa Dowladda Federaalka ku ammaanay maaraynta kharashaadka iyo horumar laga sameeyay ururinta canshuuraha. Si kastaba ha ahaatee, adeegyada dowladeed ayaa weli si weyn ugu tiirsan deeqaha caalamiga ah.