Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Wajahan dalka Qatar

5

Wararka ka imaanaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu maanta safar rasmi ah ugu ambabaxayo dalka Qatar, kaddib markii uu helay casuumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Qadar.

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha uu hoggaaminayo wefdi culus oo isugu jira xubno ka tirsan xukuumadda iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo la filayo inay kulan la qaataan madaxda ugu sarreysa dalka Qatar.

Wararka la xiriira safarkan ayaa tilmaamaya in kulamo muhiim ah ay ka dhici doonaan Doha, halkaas oo laga filayo in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo siyaasadeed, iskaashi dhaqaale iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan ajendaha rasmiga ah ee wada-hadallada, marka laga reebo in casuumaad rasmi ah loo fidiyay madaxda Somaliland.

Safarkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay raadineyso xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo in ay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo Qatar-na ay ku jirto waddamada awooda ugu leh gobolka Khaliijka ee saameyn ku leh siyaasadda Geeska Afrika.