Donald Trump oo sheegay inuu mar kale weerari doono Iran, hadii ay dib u bilowdo barnaamijka nukliyeerka

4
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag u weeraray Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khumayni, isagoo shaaciyay inuu ka laabtay qorshihii uu ku doonayay in lagaga qaado cunaqabataynta saaran Iran.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in aanu meesha ka saarin suurtagalnimada in mar kale la duqeeyo xarumaha nukliyeerka ee Iran, haddii la ogaado in Tehran ay dib u billowday bacriminta yuuraaniyamta.

Trump ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Khumayni uu markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iran iyo Israa’iil, kaasoo Mareykanku si toos ah uga qaybqaatay isaga oo weerar ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran toddobaadkii hore. Khumayni ayaa sheegay in Iran ay Maraykanka digniin u dirtay kadib weerarkii ay ku qaaday saldhig weyn oo Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar, isagoo ku adkaystay in Iran ayna marnaba is dhiibi doonin.

Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay inuu ogaa meesha uu Khumayni ku dhuumanayo balse uu isagu diiday in la dilo. Wuxuu intaa ku daray: “Waddankiisa waa la burburiyay, saddexdii goobood ee nukliyeerka ahaa waa la tirtiyay, waxaanan si fiican u ogaa meesha uu ku sugnaa. Waxaan diiday in Israa’iil ama ciidamada Mareykanka oo ah kuwa ugu awoodda badan dunidu ay ka takhalusaan noloshiisa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka badbaadiyay Khumayni “nabad xumo iyo geeri ceeb ah,” isagoo muujiyay in talaabadaas ay ahayd mid uu si gaar ah isagu u go’aansaday.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in haddii Mareykanka ay dhab ka tahay inuu heshiis la gaadho Iran, uu joojinayo hadallada af-lagaadada ah ee ka dhanka ah Khumayni.

“Haddii Madaxweyne Trump uu si dhab ah u doonayo heshiis, waa inuu ka tago hadallada aan la aqbali karin ee ku wajahan Hogaamiyaha Sare ee Khumayni, kana daayo dhaawaca dareenka malaayiin taageerayaashiisa ah,” ayuu yidhi Araqchi.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu maalmo u shaqaynayay sidii Iran looga qaadi lahaa cunaqabataynta si fursad dib u kabasho dhaqaale loo siiyo, balse uu ka noqday dadaalkaas kadib hadalladii kasoo yeedhay Khumayni. “Waxaan kala kulmay weedho naceyb iyo cadho wata, markaas ayaan si degdeg ah uga tanaasulay qorshihii cunaqabatayn ka qaadista,” ayuu yidhi Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada weerar dambe oo Mareykanku ku qaado xarumaha nukliyeerka Iran, Trump ayaa ku jawaabay: “Haa, shaki la’aan, dhab ahaan waan sameyn karnaa.” Wuxuu sidoo kale dalbaday in la ogolaado kormeerayaasha IAEA (Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka) ama hay’ad kale oo madax bannaan si loo hubiyo baaxadda burburka weeraradii uu Iran ku qaaday ay gaadhsiiyeen xarumaha nukliyeerka. Hase yeeshee, Iran ayaa toddobaadkan dhaqangalisay sharci cusub oo joojinaya kormeerka IAEA, halka Wasiir Araqchi uu sheegay in Iran laga yaabo inay gabi ahaanba diido dalab kasta oo kormeer cusub ah.

In kasta oo xaaladdu cakiran tahay, Trump ayaa sheegay in Iran wali xiisaynayso in wada-hadallo lala yeesho mustaqbalka. Aqalka Cad ayaa dhankooda sheegay in wali aan la qorshayn kulan rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo wafdi ka socda Iran.