Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in mustaqbalka la gaari doono heshiis waara oo lagu dhammeeyo kala aragti duwanaanta u dhaxeysa labada dhinac.
Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay noqdaan hoggaan geesi ah oo u istaaga sidii xal waara loo gaari lahaa, laguna dhisi lahaa kalsooni iyo is-afgarad.
“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax walba oo suurto gal ka dhigi kara dib u soo celinta midnimada dalka. Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna Somaliland inay dhiirranaan muujiyaan, si wadahallada loo bilaabo mar kale,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si gaar ah u tilmaamay in midnimadu aysan waxba dhimayn, balse ay keenayso awood, karaamo, iyo horumar wadajir ah. Isagoo xusaya muhiimada ay leedahay wada hadal iyo ismaqal, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay dhageysato tabashooyinka gobollada Waqooyi.
“Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay: dhiirrada. Midnimadu wax ma bi’iso ee waxa ay soo kordhisaa awood iyo haybad,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee kasoo wareegtay xornimadii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.