MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

4

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay shir ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha samatabixinta Soomaaliyeed oo ay mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, ee ka soo horjeeda hanaanka ay  dowladda Soomaaliya u wado doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo qodobka ugu weyn uu yahay midnimada qaranka iyo sidii Jubaland iyo Puntland si buuxda loogu soo celin lahaa madasha wadahadalka qaran.

Mucaaradku waxay hor dhigi doonaan Madaxweynaha aragtiyadooda ku aaddan baahida loo qabo in la gaaro heshiis qaran oo ay ka muuqdaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, taas oo fure u ah hirgelinta doorasho lagu kalsoon yahay, xasilooni siyaasadeed iyo dhisidda dowlad loo dhanyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay inuu la kulmi doono siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee ka soo horjeeda dowladda.