Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhamaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay shirkii Golaha Wasiirrada ee dhacay 7-dii bishii Abriil ee sanadkan 2025.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shirkaasi xoogga ku saaray muhiimadda isku xirka adeegyada dowliga ah iyo in la helo adeegsi aqoonsi rasmi ah oo mideysan.
“Qof kasta oo doonaya in uu helo adeegyada ay bixiso Wasaaradda sida ruqsadaha darawalnimada, is-diiwaangelinta gaadiidka, ama adeegyo kale oo la xiriira gaadiidka, waxaa looga baahanyahay in uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka” ayaa lagu warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada Soomaaliya.
Go’aankaan cusub ee kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale saameynaya shirkadaha gaadiidka dadweynaha iyo saamilayda ka tirsan.
Wasaaradda waxay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in talaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta qorshaha isbeddelka Qaranka ee la meel mariyay bishii Maarso ee sanadkan 2025, taasoo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo amniga dalka iyo aqoonsiga muwadinka Soomaaliyeed.