Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarka ay Iran ku qaadday dalka Qatar

2

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarka ay Iran ku qaadday dalka Qatar, iyadoo ku sheegtay inuu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana uu khatar weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda, Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay dowladda Qatar, iyadoo muujisay taageeradeeda joogtada ah ee madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee Qatar.

Bayaan ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli u taagan tahay ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, dhowrista xuduudaha, iyo xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wadahadal iyo is-faham.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, waxayna xaqiijineysaa in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee Qatar. Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa inay ka go’an tahay nidaam caalami ah oo ku salaysan xeerar, kaas oo ku qotoma ixtiraamka madaxbannaanida qaranka, ku xad-gudubka xuduudaha, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah wadahadal iyo isfahan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay sii deysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa ugu dambayn ku baaqday in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, waxayna ugu yeertay beesha caalamka inay si mideysan u garab istaagto dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo qaddarinta madax-bannaanida dowladaha.Weerarkii ay Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Al Udeid ee dalka Qatar ma geysan wax khasaare ah, sida ay sheegtay dowladda Qatar. Mas’uuliyiintu waxay xaqiijiyeen in gantaalladii Iran ay soo ridday la qabtay oo la burburiyay intaysan gaarin bartilmaameedkoodii. Xaaladda gobolka ayaa weli kacsan iyadoo weli cabsi laga qabo dagaal ballaaran.

Qaraxyo ayaa laga maqlay dalka Qatar, sida ay sheegeen warbaahino kala duwan, sawirrana waxay muujinayeen gantaallo dul maraya caasimadda Qatar ee Doha.