Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareeyay Weerarka Gantaallada Iran Ku Qaaday Qatar

5

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay weerarada gantaallada ah ee Dowladda Iran ay ku qaaday dalka Qatar, kuwaas oo la sheegay inay beegsanayeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalkaasi.

Labada madaxweyne ayaa weerarkan ku tilmaamay mid gardarro ah oo sii hurinaya xiisadaha iyo khilaafaadka gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo haatan ku nool dalka Qatar isaga iyo qoyskiisa, ayaa sheegay: “Waxaan si adag u cambaareynayaa gardarrada Iran ee lagu qaaday Qatar. Ku ridista gantaallada dalka nabadeed ee Qatar waa jabin xeerarka caalamiga ah. Sidoo kale waxay halis u tahay inay sii huriso xiisadaha ka taagan gobolka iyo dunidaba. Iran waa inay ka waantowdaa ficilladan sharci-darrada ah.”

Sidoo kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Iran ee Qatar, isagoo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku yiri:
“Waxaan si kulul oo aan leexleexad lahayn u cambaareynayaa gardarrada ay Iran ku qaaday walaalaha Dowladda Qatar, taasoo ah ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madaxbannaanida iyo dhul-weynaha dalalka.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa ku daray in waqtigii diblomaasiyadda iyo wadahadalka la joogo si loo qaboojiyo xiisadda gobolka.

Dhinaca kale, Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarada ay ku qaaday Qatar aysan halis ku ahayn shacabka dalkaas, isla markaana ay si gaar ah u beegsanayeen saldhigyada ciidamada Mareykanka ee halkaas ku sugan, iyadoo falkaas jawaab u ah weerarkii Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran.