Khilaaf xooggan oo ka taagan doorashada xiriirka kubadda cagta Puntland

4

Khilaaf culus ayaa ka taagan doorashada hoggaanka Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, taasoo la qorsheeyay inay xalay ka dhacdo magaalada Garowe, caasimadda Puntland, balse dib loo dhigay sababo la xiriira muran ka dhashay doorashada, iyadoo xalay uu dagaal gacan ka hadal ka dhacay goobta lagu qaban lahaa doorashada.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Maxamed Ciiro, oo mar kale isu soo taagay xilkan, ayaa xalay diiday ka qeybgalka doorashada, isagoo ku eedeeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Hodan Saciid, iyo Wasiirka Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, inay si toos ah uga farageliyeen doorashada, isla markaana ay taageero u muujiyeen musharraxa la tartamaya.

Maxamed Ciiro wuxuu sheegay in wax laga beddelay liiska rasmiga ah ee codbixiyeyaasha, isagoo ku eedeeyay Wasiirka Ciyaaraha inay amar ku siisay guddiga doorashada inay liiska ka saaraan xubno horey ugu jiray codbixinta isla markaana lagu beddelo xubno cusub. Arrintaas, ayuu sheegay in ay sababtay in isaga iyo taageerayaashiisa ay ka baaqsadaan ka qeybgalka doorashada.

Guddiga doorashada ayaa go’aan ku gaaray in doorashada dib loo dhigo lana qabto caawa, si fursad loo siiyo xalinta cabashooyinka iyo hubinta hufnaanta habka codbixinta.

Dhanka kale, qoraallo kasoo baxay taliska Booliiska Puntland iyo maamulka degmada Garowe ayaa lagu sheegay in laga laabtay wakiilladii codbixinta ku matalayay labo kooxood oo ku cayaara magaca booliiska iyo degmada Garowe. Labadan wakiil ayaa lagu eedeeyay inay si cad ula safteen hal dhinac oo musharraxiinta ah, taasoo sababtay in laga joojiyo ka qeybgalka doorashada.

Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo jira muddo 10 sano ah ayaa markii ugu horreysay kooxaha hoos yimaada loo oggolaanayaa inay doortaan hoggaanka, halka markii hore guddoomiyaha xiriirka uu magacaabi jiray Wasiirka Ciyaaraha Puntland.