Kalfadhiga 6aad ee BFS oo la shaaciyay waqtiga uu xirmayo

4

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri oo ku beegan 22-ka Juun 2025 uu xirmayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddoonka ayaa lagu xusay in go’aankan uu ku saleysan yahay waajibaadka Dastuuriga ah, gaar ahaan Qodobbada 66-aad (2), 74-aad (2) ee Dastuurka KMG ah, iyo Qodobka 23-aad (1) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Qodobka 21-aad (1) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoonku wuxuu uga mahadceliyay Xildhibaannada labada Aqal shaqada muhiimka ah ee ay qabteen muddadii kalfadhigu socday, isagoo u rajeeyay fasax caafimaad iyo nabadgelyo ah.

Sidoo kale, waxaa la shaaciyay in kalfadhiga xiga uu dib u furmi doono 22-ka Agoosto 2025, iyadoo Guddoonku ku booriyay Xildhibaannada inay sii wadaan gudashada waajibaadka ay xeerarka u oggol yihiin xilliyada fasaxa.