Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

2

ran Markale saaka waxay gantaaladeeda gaareen xaafadda Bi’ru Shacba, dhisme ka koobnaa lix dabaq oo halkaasi ku yaalay waxaa gaaray burbur kadib markii gantaalada Iran ay ku dhaceen saaka.

Seeriga digniinta ayaa isqabsaday, waxaana shaqaalaha gurmadka deg dega ay ku mashquulsan yihiin baadigoobka dadka.

Wakaalada Wararka Iran ayaa shaacisay in bartilmaameydka weerarkii saaka uu ahaa xarunta farsamadda Tiknaloojiyadda Gan-yam Negev, oo ay sheegeen inay saldhig u tahay militariga Israa’iil iyo machadyada internetka “xaafadda Beersheba”.

Barxadda xaruntaasi ayaa gubaneysa, waxaana Israa’iil ay sheegtay in gantaalada halkaasi ku dhacay ay sababeen dhaawaca shan ruux iyo inay isku dhexyaacaan 30 kale.

Dhanka kale Israa’iil ayaa saaka duqeysay xarumo militari oo ku yaala dalka IRAN iyo seddex goob oo ay sheegeen in laga soo tuurayay Gantaalada IRAN, sida uu baahiyay Tv-ga Aljazeera.

Duqeynta Israa’iil ayaa la sheegay inay timid wax yar kahor inta IRAN aysan saaka duqeyn Magaalada Beersheba.