Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib muddo uu ku maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.
Mudadii uu ku sugnaa Nairobi, Axmed Madoobe waxa uu kulamo muhiim ah la yeeshay xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan dalka Kenya.
Kulamadaas ayaa ahaa kuwo looga hadlayay arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la qabto shir qaran oo wadatashi ah, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka, iyadoo loo marayo wadahadal iyo heshiisyo siyaasadeed.
Madaxweyne Axmed Madoobe, oo dhowr jeer ku celiyay in xalinta khilaafka ay ku jirto wadahadalka iyo isfahamka, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto ka shaqeynta heshiis siyaasadeed oo dalka ka dhaca, isla markaana meesha laga saaro faragelinta shisheeye iyo isqabqabsi gudaha ah.