Puntland ayaa sheegtay shakhsiyaadka deegaanadeeda ka tagay ee ka qeyb galaya shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda in aysan matelin shacabka Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diri oo Garowe kula hadlay saxaafadda, ayaa ku tilmaamay dadkaasi inay yihiin kuwa loo adeegsanayo inay xasarado ka kiciyaan Puntland, balse waxa uu sheegay in ay yihiin dad aan wax saaamayn ah lahayn, isagoo ku tilmaamay barakacayaasha siyaasadda ku saaqiday
“Dadkaasi horey ayay ugu fashilmeen siyaasadda Puntland, horey ayay isugu dayeen inay Puntland rabshado sameeyaan, waana Kansar ay dadka reer Puntland iska jareen, oo aan dib usoo noqon doonin,” ayuu yiri Caydiid.
Wasiir Caydiid waxa uu sheegay, shirka Muqdisho in uu yahay mid aan waxba kasoo bixi doonin, isagoo xusay madaxweyne Xasan Sheikh inuu yahay nin talada dalku wada lahaa isaga kaligiis meel dhigtay, islamarkaasna aan doonayn in si dhab ah loo wada hadlo.
Wuxuu sheegay dadka ay madaxtooyada isugu keentay Muqdisho in ay yihiin dad aan wax matalaad ah ku lahayn deegaanadooda, isagoo sheegay in madaxweynuhu horey u diiday in saamileyda siyaasaddu isku yimaadaan oo ka tashadaan masiirka siyaasadeed ee dalka.
Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay raysal wasaare Xamse inuu ku fashilmay kaalintiisii siyaasadeed ee dalka, iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee uu joogo kursiga raysal wasaaraha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, shirka Muqdisho ka socda ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka Puntland, siyaasiyiin iyo xubno ka socda bulshada rayidka..