Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha shacabka ee maanta dib u furmaya?.

5

Waxaa maanta si rasmi ah dib ugu furmaya kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib hakad kooban oo uu galay kalfadhiga.

Sida ku cad farriin rasmi ah oo loo diray Xildhibaanada, kulanka maanta ayaa lagu qabanayaa xarunta Villa Hargeysa, iyadoo ajendaha ugu weyn uu yahay

Akhrinta 2aad iyo codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, oo ay ka mid yihiin:

Muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka

Doodaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada

Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu sii wado kulamadiisa toddobaadkan, iyadoo laga sugayo go’aano miisaan leh oo saameyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si adag looga doodi doono qodobbada muranka dhaliyay ee dastuurka iyo doorashooyinka.