Kulanka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana soo xaadiray 87 xildhibaan oo kaliya, iyadoo kooramka kulanka uu ahaa in fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 mudane, inkastoo xildhibaanada maalmihii ugu dambeeyay ay fasax ku maqnaayeen.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow,ayaa ugu baaqay Xildhibaanada maqnaa ee aan soo xaadirin kulankii maanta iney xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay waqti hore soo xaadiraan fadhiyada si Goluhu go’aano uga gaaraan howlaha muhiimka ah ee horyaala.
Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha Shacabka sababo la xiriira maqnaanshaha Xildhibaano aan muujin xilkasnimo, waxaan mar kale ugu baaqayaa dhamaan Xildhibaanada aan joogin eek u maqan dalka dibadiisa in ay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, ayna waajibaadkooda gutaan oo ay si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golaha” ayuu yiri Guddoomiye Abshirow.
Wuxuu sidoo kale sheegay Guddoomiye Abshorow in haddii xildhibaanada aanay kulanka ka soo qayb gelin Arbacada, ay yeerin doonaa, si loo ogaado xildhibaanada fadhiyada ka maqan.
Ajandaha maanta ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad iyo codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.
Hadalka guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale ay u baaqdeen kulamada Golaha Shacabka kooramkii loo baahnaa inuu ku furmo.