Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in la dhameystiray Wejiga Koowaad ee Sahminta Shidaalka

6

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, Axad 15-ka Juun 2025, si rasmi ah u shaacisay in la soo gaba-gabeeyay wejigii koowaad ee sahaminta shidaalka badda Soomaaliya, taasoo ay fuliyeen shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) iyadoo adeegsanaysa markabka Oruç Reis.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaannada shidaalka ee badda Soomaaliya ay socdeen muddo 234 maalmood, laga bilaabo 25-kii Oktoobar 2024, waxaana la ururiyey xog muhiim ah oo laga helay gunta hoose ee badda Soomaaliya, kuwaas oo hadda la darsi doono si loo ogaado ceelasha iyo tirada shidaalka ee ku jira dhul-badeedka Soomaaliya.

Wasaarada Batroolka iyo Macdanta  ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee ku aaddan soo saarista khayraadka dabiiciga ah si hufan, caddaalad ah, loona adeegsanayo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasaaraddu waxay ku dhawaaqday in marka xogta la soo ururiyey la dhammeystiro, bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono natiijooyinka, si loo bilaabo wajiyada xiga ee sahminta iyo maalgelinta shidaalka.