Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u muujiyay taageero buuxda oo uu la garab taagan yahay Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Golaha samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka, kaasi oo dhawaan loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldareysatay siyaasadda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, wadajirka qaranka, iyo doorashooyinka.
“Waa dhaqankii Buush in la weeraro ciddii kaa soo horjeeda,” ayuu yiri Deni, isagoo u muuqday inuu si dadban ugu dhaleeceynayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Deni wuxuu sheegay in dalka uu marayo xaalad u baahan samatabixin qaran, taas oo ay horseedi karaan hoggaan isbedel doon ah oo ka damqada danta shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in kulamo dhowaan uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay isla meel dhigeen baahida loo qabo iskaashi ujeedkiisu yahay difaaca madax-bannaanida dowlad goboleedyada.
Kulamadaas ayaa ka dhacay gudaha dalalka,Kenya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo labada hoggaamiye ay uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka ay ka leeyihiin dowladda dhexe.
Warkaan oo wata saamayn siyaasadeed ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda u dhaxeysa Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay cirka isku sii shareereyso.