Wasiir Xoosh iyo James Swan oo ka wadahadlay arrimaha Doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta.

5

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dedaallada wadajirka ah ee ku aaddan xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta, horumarinta hannaanka doorashooyinka iyo baahinta adeegyada dowliga ah si loo xoojiyo dowladnimada Soomaaliya.

ntii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si gaar ahna waxay uga wada hadleen horumarinta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kawada-shaqeynta joogtada ah ee dhinacyada.

Wasiir Xoosh ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga noocan oo kale ah uu yahay mid xoojinaya horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay.