Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Horumarinta ee dalka Sweden (SIDA) ayaa ku dhawaaqday iskaashi cusub oo ay la yeelatay Qaramada Midoobay si loo xoojiyo dadaallada gargaar ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta sugnaanta cuntada iyo adkeysiga bulshooyinka reer miyiga ah.SIDA ayaa ballanqaadday $3 milyan oo dheeraad ah si ay u taageerto Mashruuca Dhisidda Adkeysiga ee Shabeellaha Dhexe (BRiMS) oo ay hormuud ka tahay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Hindisahan ayaa ujeedkiisu yahay in la taageero in ka badan 15,000 oo beeraley ah oo ku nool hareeraha wabiga, iyada oo la horumarinayo helitaanka iyo maareynta biyaha, si dib loogu soo celiyo wax-soosaarka dalagga waraabka leh ee ka jira degmada Jowhar.
SIDA ayaa horey u bixisay $2 milyan sanadkii 2022, taasoo wadarta guud ee maalgelinta ka dhigeysa $5 milyan saddex sano gudahood. Mashruuca waxaa lagu fulinayaa iskaashi lala leeyahay mas’uuliyiinta maxalliga ah, waxaana ku jira qaybinta agabka beeraha si loo kordhiyo wax-soosaarka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mashruucan ay durba ka faa’iideysteen in ka badan 50,000 oo qof tan iyo markii la bilaabay, iyadoo la qorsheynayo in la gaarsiiyo 20,000 oo kale dhammaadka 2025.
Deeqda SIDA ayaa la jaanqaadaysa dhimista saboolnimada iyo taageeridda horumarka waara, iyadoo loo sii marayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ee dalka Sweden.